2022 sanadkii ugu dhimashada badnaa Soomaaliya 5 sano

Sanadkii la soo dhaafay ee 2022 wuxuu ahaa sanadkii ugu dhimashada badnaa shacabka Soomaaliyeed tan iyo 2017, taasi oo ka dambaysay ka dib markii Al Shabab ay kordhiyeen weerarada,sidaasi waxaa sheegay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.

“Weerarada joogtada ah ee Al-Shabaab, oo sababay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, xadgudubyada galmada iyo kororka tirada dhimashada dadka rayidka ah, ayaa ah mid walaac leh” ayuu ku yiri warbixin Guterres uu u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Arbacadii.

Guterres  waxaa kale oo uu sheegay in muddadii u dhaxaysay September 2022 ilaa February 2023, xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu diiwaan galiyay kororka khasaaraha soo gaaraya dadka rayidka ah 150%, taasi oo ka macno in dhaceen 1,059 khasaare oo ay ka mid tahay geerida 382 qof, falalkaasi oo badi ay gaysteen Al Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, markii uu xukunka ku soo laabtay bishii May 2022 wuxuu qaaday dagaal ka dhan Al Shabaab, hawlgalkaas oo ay taageerayaan ciidamada Midowga Afrika iyo duqeynta xagga cirka ah ee Mareykanka ayaa suurtagal ka dhigay in Al Shabaab laga qabsado dhul ballaaran oo ka mid ah labada maamul goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug.

Al-Shabaab oo Soomaaliya ka dagaalamayay 15 sano ayaa gacanta ku haya dhul baaxad leh waxaana ay sii wadaan inay qaadaan weeraro ay ka gaysanayaan magaalada Muqdisho, magaalooyinka kala iyo waliba xarumaha ciidamada.

Warbixintiisa ayuu, Antonio Guterres wuxuu ugu baaqay madaxda Soomaaliya “dagaalkooda ka dhan ah argagixisada” aanu noqon mid lagu caburiyo xoriyada hadalka , waxaana uu sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xariga sharci darada ah ee lagula kacayo saxafiyiinta iyo xirfadlayaasha warbaahinta.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in nabadgaliyo la’aanta iyo dagaalada ay caqabad ku noqdeen hawlihii gargaarka ee loo fidin lahaa 600 kun oo qof oo ka qaxay guryahoodii sanadkii hore.

Ilaa 1.3 milyan oo qof ayaa sidoo kale ku qasab ay ku noqotay inay ka cararaan abaarta daran ee saameysay Geeska Afrika. 8.3 milyan oo qof ayaa sanadkan u baahan doona gargaar bini’aadantinimo, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed