Howlgal lagu dilay horjoogayaal Alshabaab horjoogayaal ku jiraan oo ka dhacay shabeellaha hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Sabiib iyo Caanoole, iyadoo lagu beegsaday xubno sare oo ka tirsan kooxda Alshabaab. War saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay horjoogayaal muhiim ah oo ka tirsan Alshabaab, waxaana laga baahiyay sawirro maydadka xubnahaan oo lagu dilay dagaal weerar ah.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in howlgalka uu ahaa mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday, islamarkaana uu dhacay kadib markii la helay xog sugan oo la xiriirta goobta ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka.

“Howlgal qorsheysan oo maanta Ciidanka Xoogga Dalka ay fuliyeen aagga deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu dilay dhagarqabayaal ka tirsanaa Khawaarijta,” ayay tiri warbaahinta dowladda oo soo xiganaysa saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dagaallada socda ee lagula jiro Alshabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo guud ahaan Koonfurta Soomaaliya, iyadoo xoogga la saarayo meelaha ay kooxda weli kaga sugan tahay gacan-ku-haynta deegaanada dalka.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa horey u ballanqaaday in aysan joojin doonin gulufka militari ilaa dalka laga xoreeyo waxa ay ku tilmaameen “khatar lagu hayo jiritaanka qaranka”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed