War cusub: Duqeyn lagu beegsaday Alshabaab oo ka dhacday Xadka Shabeellooyinka

Wararka ka imaanaya deegaanka istiraatiijiga ah ee Basra oo ku yaalla xuduudda u dhaxeysa gobollada Shabeellooyinka, una dhexeeya Balcad iyo Afgoye ayaa laga maqlay duqeymo culus oo lala beegsaday Alshabaab, sida ay warbaahinta u sheegeen Goobjoogayaal ku sugan.

Jugta dhowr qarax ayaa laga maqlay Basra waxaana wararka hordhaca ah ay tilmaamayaan in la bartilmaameedsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen xubno iyo saraakiil ka tirsan ururka Alshabaab. Muuqaallo laga soo xigtay Goobjoogayaaal ayaa muujinaya cola meel fog ah, isla daqiiqad ka dibna sii dabamaya.

Ilo-wareedyo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in duqeymaha ay sababeen khasaaro, inkastoo aan si madaxbanaan loo ogaan tirada waxyeellada ama cida fulisay weerarka. Deegaanka Basra ayaa loo arkaa meel muhiim u ah dhaqdhaqaaqa Alshabaab, gaar ahaan isu socodka u dhexeeya gobollada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya.

Weerarkan ayaa imanaya iyadoo uu Mareykanku kordhiyay duqeymaha cirka ah ee uu ka fulinayo gudaha Soomaaliya, isaga oo taageero siinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaallada ay kula dagaallamayso kooxaha loogu yeero xagjirka ee Alshabaab iyo Daacish.

Sannadkan gudihiisa, Mareykanka ayaa dhowr jeer duqeymo fuliyay, gaar ahaan gobollada Bari, Shabeellooyinka iyo labada Jubba, kuwaas oo uu sheegay in lagu beegsaday xarumo ay leeyihiin AlShabaab.

Ilaa hadda, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Mareykanka oo ku saabsan duqeymaha Basra. Si kastaba ha ahaatee, weerarradan ayaa qeyb ka ah dagaal ballaaran oo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab, iyadoo dowladda Soomaaliya ay horraantii sanadkan ku dhawaaqday wajiga labaad ee howlgallada lagula dagaallamayo kooxdaasi.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed