Puntland oo si kulul uga jawaabtay warqad kasoo baxday Dowladda Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa si caro leh uga jawaabay warqad dhaleeceyn ah oo dhawaan kasoo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku adkaystay inay ku taagan yihiin mowqifkooda la xiriira sameysashada aqoonsi u gaar ah shacabka Puntland, ilaa dalka intiisa kale ay xaaladiisu soo hagaagayso.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa si adag u weeraray masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, isagoo sheegay in maamulka Puntland aanu ka leexan doonin dariiqa ay hadda hayaan.

Caydiid ayaa mar la weydiiyay sababta Puntland ay u diidan tahay aqoonsiga qaran ee Federaalka, wuxuu sheegay in qeybo badan oo dalka ah ay gacanta ku hayaan kooxda Alshabaab, taasina ay caqabad ku tahay hirgelinta dowladnimada guud.

“Nolosha qofka reer Puntland ayuu ka hor imaanayaa ninka yiraahda ‘Dadka reer Puntland aqoonsi ma yeelanayaan’. Puntland aqoonsigeeda wey samaysanaysaa.” ayuu yiri wasiir Caydiid.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay suurtagalnimada ka qeybgalka Puntland ee shirka siyaasadeedka dhowaan lagu qabanayo Muqdisho, kaas oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta dalka. Isagoo arrintaas ka hadlaya ayuu yiri:“Puntland shir Soomaaliyeed oo loo siman yahay oo aan qol mugdi ah aheyn oo la laheyn ‘imisaa isku aragti ah’, Puntland waligeed diyaar bay u ahayd. Wax walba oo lagu tarayo Soomaalinimada, Puntland diyaar bay u tahay.”

Shirkan ayaa la filayaa inuu qabsoomo horaanta bisha May ee nagu soo aaddan, waxaana lagu gorfeyn doonaa xaaladda guud ee dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed