Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalka Turkiga, ka dib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan.
Booqashada Xasan Sheekh inta lagu gudajiro ayuu dhiggiisa Turkiga kala hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka iskaashiga ee dhinacyada militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagula jiro kooxda Alshabaab.
Madaxtooyada ayaa ku tilmaantay Booqashadani inay muhiim u tahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee ka dhanka ah waxa loogu yeeor ciribtirayo argagixisada.
Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’antahay dagaalka adag ee lagula jirto kooxda Alshabaaab, si loo xaqiijiyo sida hadalka loo dhigay xasilloonida, nabadda iyo dib u dhiska dalka.
Dowladda Turkiga oo uu xiriir sanaddo badan jira kala dhexeeyo Soomaaliya ayaa ka taageerta dhinacyada taabanaya amniga, militariga, ganacsiga, dhaqaalaha buluugga, tamarta iyo waxbarashada.
HBN ONLINE TV