Duqa Muqa Muqdisho oo dalbaday in gobolka Banaadir laga dhigo maamul goboleed-buuxa

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa soo jeediyey in rabitaanka iyo doonista siyaasadeed ee bulshada Gobolka Banaadir inay noqoto Maamul Dawlad Goboleed buuxa ah, iyadoo fadhiyada golahane ku yeelanaya kuraas la mid ah tan maamullada kale.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ugu yaraan Aqalka sare uu ku yeesho gobolka Banaadir kuraas matalaadeed oo dhan 21 Sanatar oo ka turjumaysa sida uu qabo ee doonista siyaasadeed ee Maamul Goboleed buuxa.

“rabitaanka iyo doonista siyaasadeed ee bulshada Gobolka Banaadir waa in Magaalada Muqdisho ay noqoto Maamul Dawlad Goboleed buuxa, lana go’aamiyo in 21 xubnood loogu daro Aqalka Sare” ayuu yiri Guddoomiye Amiir.

Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa ka codsaday Hay’adaha Dawladda ee u xilsaaran Dastuurka in ay tixgeliyaan rabitaanka Shacabka ku nool Gobolka Banaadir.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed