Dowladda Soomaaliya ayaa fartay ganacsatada, Hay’adaha iyo dadka ajaaniibta ah in ay qaataan warqad-danbi la’aanta ah ee waaxda dambiyada u qaabilsan ee CID-da.
Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in xogaha la helay ay muujinayaan in kooxaha Argagixisada loogu yeero ay dhexmaraan Ganacsatada, si taasi looga hortagana loo qaaday sida uu hadalka u dhigay tallaabadaan.
Sidoo kale, Dhaqangalka amarkaan ayaa billaaban doonno 10-ka bishaan Febaraayo 2025 oo ku aadan Isniinta todobaadka dambe, sida uu warbaahinta uu sheegay Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo ah Afhayeenka Booliiska Soomaaliya.
Waxaa uu tilmaamay in lala xisaabtami doono cid weliba oo diidda fulinta amarkaan ama u marta sifo qaldan “Dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Ajaanibta ah waa in ay qaataan warqadda dambi la’aanta ee CID-da” ayuu yiri Afhayeen Cabdifitaax.
Waxaa uu intaas ku daray “sidaas oo kale waxaa Shirkadaha & Ganacsatada la farayaa in ay qaataan warqaddaas, Warqaddaan waxa ay caddeyn u tahay in Ganacsigaas ama shirkaddaas aanay ku lug lahayn kuna jirin maalgelinta Argagixisada, xogaha la helayo ayaa muujinaya in kooxaha Khawaariijta ah lacagihii laga xayiray ay dhexmarsanayaan Shirkado iyo Ururro” sii raaciyey.
Gaashaanle Cabdifitax ayaa sheegay in diiwaangelintaan laga doonayo Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ururrada aan faa’iido doonka ahayn, Shirkadaha Isgaarsiinta, kuwa dhismaha, Hoteellada, Duullimaadka, Caafimaadka, kuwa guryaha kireeya & kuwo kale.
Go’aankaan mid la mid ah waxaa laga dhaqan galiyey deegaannada Puntland, ka dib markii dadka Ajaaniibta ah ee sida sharciga ah ku jooga lagu armay inay tagaan xarumaha baarista dambi la’aanta si loo hubiyo in aanay ku lug laheyn falal amni darro.
HBN ONLINE TV