Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa war ay soo saartay ugu digtay dhamamaan Hay’adaha Maxalliga ah iyo kuwa Caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya in aysan la shaqeyn Karin kooxda Alshabaab.
Xogtan loogu digayo Hay’adaha caalamiga ah ayaa waxaa lagu daray in NGOS-ka aysan la macaamili Karin, islamarkaana dhaqaale u yaboohi Karin, una hoggaansamin ammarrada uga yimaada kooxda.
Digniinta wasaaradda ayaa loogu goodiyey in talaabo waafaqsan sharciga dalka laga qaadi doono shaqsigii ama hay’addii lagu helo la macaamilka Alshabaab.
Sidoo kale, waxaa warka Wasaaradda lagu carrabaabay “In lagala laaban doono shahaadada ruqsadsiinta Hay’addii ku lug yeelata dambiyada kor ku xusan”, ayaa lagu yiri, iyadoo Hay’addii ay ku cadaato inay ku jiraan Daacish iyo Alshabaab ay waayi doonto sida hadlaka loo dhigay in ruqsaddii ay ku howlgali laheyd.
“Hay’addii ay ku cadaato inay ku jiraan in xubno ka mid ah Ururada Alshabaab iyo Daacish ama wakiil uga noqdaan Hay’addooda, Wasaaraddu waxay si toos ah ugula noqonaysaa Shahaadadii ruqsadda, waxayna toos ugu war galineysaa Hay’adaha ku shaqada leh ee Amniga iyo Garsoorka” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya.
Hadalka Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS ayaa ku soo aadaya xili digniin kala duwan ay ka soo bexeen laamaha Amniga iyo Wasaaradaha dowladda Qaar oo shacabka iyo ganacsatada looga digay inay u tagaan kooxda.
HBN ONLINE TV