Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax bambaano oo subaxnimadii hore ee maanta oo Sabti ah ka dhacay xarunta tareenada ee magaalada Quetta ee ku taal koonfur-galbeed Pakistan, sida ay booliisku sheegeen.
Ilaa hadda 26 qof ayaa ku dhimatay 46 kalena waa ay dhaawacmeen, sida uu Anadolu khadka taleefoonka ugu sheegay Muhammad Akram, oo ah sarkaal ka tirsan booliiska deegaanka.
Mar sii horeysay, sarkaal sare oo ka tirsan booliska deegaanka, Muxammad Baloch, ayaa sheegay in qaraxan u muuqdo mid ismiidaamin ah.
Sarkaalka ayaa intaasi ku daray in qaraxa uu haleelay goob tigidhada lagu iibiyo oo ku taalla xarunta tareennada ee # caasimadda gobolka Balochistan ee Quetta.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay xilli tareenku doonayay inuu ka ambabaxo saldhiga kuna sii jeeday magaalada Peshawar ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa.
Bilayska iyo kooxaha samatabbixinta ayaa si degdeg ah u soo gaaray goobta iyada oo talaabooyinka degdega ah laga hirgaliyay Cusbitaalka Madaniga ah ee Quetta, waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu intaasi in ay ka sara marto.
Warqabadka HBN ONLINE TV