Inka badan 150-kun oo qof ayaa lagu dilay gudaha Afrika, tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo inta badan ay dadkaasi galaafteen rabshadaha ka aloosan dalalka Saaxilka ka hooseeya oo ay ka mid yihiin, Soomaaliya iyo kuwa dhaca harada Chad, sida lagu sheegay daraasad cusub oo uu samaysay Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiga Afrika.
Warbixinta machadka ayaa lagu bilaabay in tan iyo 2016-kii Soomaaliya ahayd xarunta ugu weyn ee falalka argagixisada oo galaafatay nolosha dad badan, iyada oo ay kordheen weerarrada kooxaha xagjirka ah ee sheegta in ay ka tirsan yihiin al-Qaacida ama Daacish (IS).
Alshabaabka ka hawlgala gudaha Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay khatar weyn oo dhan ah ammaanka, gaar ahaan gobolka Koonfur dalka, iyadoo ciidamada dowladda ay ololaha laba sano socday ee ka dhanka ah kooxda uu sababay dhimashada in ka badan 6,200 oo qof intii u dhaxaysay 2022–2025.
Isbeddelka ugu weyn wuxuu dhacay kadib afgembiyadii ka dhacay Burkina Faso, Mali iyo Niger, kuwaas oo lagu dooday in millatarigu guul ka keeni doono dagaalka argagixisada, balse xaaladdu ay kasii dartay.
Burkina Faso ayaa hadda hoggaamineysa dalalka ugu dhimashada badan falalka argagixisada caalamka, iyadoo ay ku xigaan dalalka kale ee Saaxilka. 2024-2025, Saaxilka ayaa laga diiwaan geliyey 10,685 dhimasho oo argagixiso la xiriirta, taas oo ka dhigan ku dhowaad kala bar dhimashooyinka Afrika oo dhan.
Rabshadaha ayaa ku faafaya Waqooyi Benin iyo Togo iyo Waqooyi-galbeed Nigeria, xili la xanibay warbaahinta gudaha Mali, Niger iyo Burkina Faso, taas oo adkaysay xog-ururinta saxda ah ee khasaaraha.
Kooxda Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) oo ah laan hoostagta al-Qaacida ayaa ka dambeysay 83% dhimashooyinka Saaxilka, waxayna hadda heshay diyaaradaha kaligood ismiidaamiya ee drones-ka, taas oo halista u kordhisay ciidanka iyo shacabka.
Dalalka Cameroon, Chad, Niger iyo Nigeria rabshadaha Boko Xaraam ayaa hoos u dhacay 50% marka la barbardhigo heerkii ugu sarreeyey 2015, balse dhimashadu weli waxay kor u kacday 7% sanadkii la soo dhaafay.
Nigeria ayaa kordhisay weerarrada cirka ee gobolka Borno, taas oo dishay ku dhowaad 600 dagaalyahan sanadkan. Si kastaba, argagixisada ayaa iyaguna bilaabay in ay adeegsadaan drones si ay u weeraraan saldhigyada ciidanka iyo dadka rayidka.
Madaxweynaha gobolka Borno, Babagana Zulum, ayaa sheegay in kooxaha argagixisadu dadka maalin kasta weerarayaan, isla markaana gobolka uu luminayo dhul badan oo gacantooda ku jira.
Khabiirada amniga ayaa ku daray in ciidamada Nigeria ay daciifeen howlahoodii wax qabad, kadib markii Niger ay ka baxday Ciidanka Wadajirka ah ee Qarammada Badan, taas oo sii adkaysay dagaalka ka dhanka ah argagixisada harada Chad.
HBN ONLINE TV