15 qof oo dhimasho & dhaawac uu ka soo gaaray duqeyn Israa’iil ay ka gaysatay Suuriya

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in duqeyn Israa’iil ay ka gaystay magaalada Dimishiq ee caasimada ah ay ku dhinteen 5 qof halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen.

Warbaahinta Suuriya ayaa tabisay in duqeynta ay ka dhacday dhisme ay deggan yihiin dad rayid ah oo ku yaalla deegaanka Sayyeda Saynab ee duleedka magaalada Dimishiq.
Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay in xogta hordhaca ah ee la helay ay muujinayso in weerar gardaro ah Israa’iil ay la beegsatay deegaanka Sayyeda Saynab, iyadoo intaasi ku dartay in weerarkaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Israa’iil ilaa hadda ma sheegan mas’uuliyadda duqeyntan, balse muddo sanado ah waxay boqolaal duqeymo oo xagga cirka ah ku qaaday dhulka Suuriya, iyadoo bartilmaameedsanaysa xarumaha dowladda iyo goobaha ay ku sheegtay in ay Iiraan leedahay ama lagu xiriirinayo ururka Xisbullah ee Lubnaan.

Weerarada isdaba jooga ah ayaa kordhay todobaadyadii la soo dhaafay iyadoo dagaalka Israa’iil ay ku hayso dalka Suuriya ay dariska yihiin ee Lubnaan uu sii xoogaystay tan iyo 23-kii Sebtember.

Israa’iil ayaa sanado badan weeraro ka waday dalka Suuriya, waxayna xoojisay weeraradan tan iyo markii uu bilowday dagaalka ay ku hayso Marinka Qasa October 7, 2023.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed