Qaramada Midoobey oo sheegtay in miinooyin ka saartay dhul aad u baaxad weyn Soomaaliya

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Miino Baarista ee Mine Action ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dhul gaaraya ku dhawaad 2 milyan oo mitir oo laba jibbaaran oo Soomaaliya ay ka nadiifisay miinooyin iyo waxyaabaha qarxa muddadii u dhaxeysay bartamihii sandkii hore ilaa sanadkan 2024.

Hay’adda Mine Action ee Soomaaliya ayaa sheegay in intii u dhaxaysay bilihii July 2023 iyo May 2024 ay nadiifiyeen in ka badan 1.8 milyan oo mitir oo laba jibbaaran, taas oo ka qayb qaadatay badbaadada iyo fayoobida ku dhawaad 13,535 qof Soomaali ah, kuwaasi hada isticmaali kara aagagaasi.

Mine Action ayaa intaas ku dartay in 86% dhulkaas hadda loo isticmaalo si hufan oo wax soo saar leh, sida fududaynta helitaanka waxbaayaha aasaasiga ah, beeraha iyo horumarinta kaabayaasha noloshada kumanan Soomaali ah oo sidii ay aheyd ugu faa’iideysta.

Hadalka Mine Action ayaa ku soo aadaya, iyada oo hay’adaha samafalka ay marar badan si firfircoon uga qayb qaateen dadaallada miino baarista ee Soomaaliya oo dhan, haddana baaxadda hubka aan wali qarxin iyo miinooyinka ayaa wali halistoodu ka taagan tahay Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed