Ra’iisal Wasaare Xamsa oo Jubbada hoose ka degay iyo u jeedka socdaalkiisa

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafti uu hugaaminayo oo ka degeen magaalada Kismaayo, ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Socdaalka Ra’iisal wasaaraha oo si kooban ay u faah faahisay Jubbaland ayaa lagu sheegay in uu yahay dhiiri galinta iyo Taageerada Ciidamada Qaranka ee deeganada Jubbaland oo howlgalo ka dhan ah Alshabaab ka wada halkaasi.

Socdaalka waxaa ku wehliya Ra’iisal wasaaraha Wasiirada Gaashaandhiga, Amniga Gudaha, Arrimaha Gudaha,iyo Saraakiisha ugu Sareysa Amniga, waxaana inta ay joogaan ay wada tashiyo ku saabsan dardar gelinta howlgallada ay yeelan doonaan madaxda Jubbaland iyo shacabka sida la sheegay.

Sida oo kale waxaa la filaa Ra’iisal wasaare Xamsa in uu booqdo furinta hore ee dagaalka si kulamo gaar ah uu ula soo qaato saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan agga hore ee dagaalka sida ay tabisay warbaahinta dowladda.

22-kii bishaan waxaa dagaalka ka dhacay Jubbada hoose DFS ay ku sheegay in, inka badan 80 Alshabaab ah oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad kale lagu dilay hawlgal ka hortag ah oo ay Ciidanka Xoogga Dalka yo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada Hoose.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed