Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay 16 ruux oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen falal dhac iyo dilal. Dadka la xiray waxaa ka mid ah saraakiil hore oo milateri iyo boolis isugu jira, taasoo muujineysa sida ay khatar ugu tahay shabakadda lagu soo eedeeyay dambiyadaan.
Howlgalkan oo ay gacan ka siiyeen hay’ado kala duwan ayaa lagu beegsaday kooxo falal dil iyo dhac ah ka geysta degmooyinka gobolka Banaadir. Afhayeenka Ciidanka Booliska C/fitaax Aadan Xasan ayaa ku dhawaaqay in ay ku guuleysteen howlgalkaasi, isagoona faah faahin ka bixiyay howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday kooxdaan isku xiran.
“Ciidanka Booliska oo kaashanaya Hay’adaha ammaanka waxay gacanta ku soo dhigeen 16 nin oo ka tirsan shabakado abaabulan, kuwaasi oo falal dil iyo dhac ah ka geysanayay Degmooyinka Gobolka Banaadir.” Ayuu yiri Xasan. Waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda howlgalka uu u leeyahay soo celinta amniga guud iyo ka hortagga falalka kooxaha khatarta ah.
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagula tacaalayo dambiyada abaabulan ee ka dhaca gobolka, kuwaasi oo ku soo badanaya falalka dhaca iyo dambiyada la xiriira maandooriyaha. Ku lug lahaanshaha saraakiishii hore ee militariga iyo booliiska ee dambigan waxay hoosta ka xariiqaysaa kakanaanta iyo caqabadaha wax ka qabashada dambiyada abaabulan.
Afhayeenka Booliska Gobolka Banaadir, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Booliska Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay inay sii wadaan dadaalada lagu xaqiijinayo ammaanka gobolka iyo dadka deegaanka. Waxa uu ku booriyay dadweynaha in ay “la shaqeeyaan hay’adaha amniga, iyaga oo bixinaya macluumaadka laga yaabo in ay gacan ka geystaan hawlgallada dheeraadka ah ee ka dhanka ah dembiilayaasha.”
Xariggaan ayaa ka dhigan tallaabo wax ku ool ah oo laga qaaday la dagaallanka dambiyada abaabulan ee ka dhaca gobolka Banaadir. Maamulka ayaa wacad ku maray in ay cadaadis ku saarayaan shabakadaha dambiilayaasha si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga dhammaan caasimadda iyo deegaannada ku xeeran.
HBN NEWS DESK