10 milyan oo Itoobiya ku nool oo ay ka mid yihiin dadka gobolka Soomaalida oo wajahaya xaalado gaajo sida ay digniin ku bixisay WFP

Hay’adda Cuntada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa sheegtay in, in ka badan 10 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya, oo ay ku jiraan dad ku nool gobolka Soomaalida, ay wajahayaan xaalad gaajo oo halis ah oo sii daba dheeraaneysa, sababo la xiriira dagaallo, abaaro, barakac iyo dhaqaale xumo.

WFP waxay digniin culus ka bixisay suurtagalnimada in la joojiyo gargaar naf-badbaadin ah, maadaama hay’addu la daalaa-dhaceyso lacag yari ba’an. Waxaa si gaar ah loo xusay in 3.6 milyan oo qof oo ah kuwa ugu nugul, ay khatar ugu jiraan inay waayaan cunto muhiim u ah noloshooda, iyadoo 650,000 oo haween iyo carruur ah la filayo in barnaamijyadoodii naf badbaadinta ahaa la joojiyo bisha May 2025.

WFP waxay sheegtay in 4.4 milyan oo haween uur leh, kuwo naas-nuujinaya iyo carruur ay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar nafaqo, xili caurruta nafaqa darradu heyso ay kor u dhaafeen 15% gudaha gobollada Soomaali, Oromiya, Tigray, iyo Canfarta – heer aad u sareeya oo muujinaya xaalad degdeg ah.

Dhibaatada waxaa sii kordhiyay qaxooti ku soo qulqulay dalka Itoobiya, gaar ahaan kuwa kasoo cararay colaadaha ka socda Suudaan iyo Suudaanta Koonfureed. Saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2025, WFP waxay sheegtay inay caawisay, in ka badan 3 milyan oo qof oo helay cunto iyo nafaqo, 80% rashiin la siiyay dadka barakacayaasha ah iyo kuwa cunno yari haysato, 60% waxaa rashiin la siiyay ilaa hal milyan oo qaxooti ah, iyadoo 740,000 haween iyo carruur ah loo sameeyay daaweynta nafaqo-darro.

Waxay intaasi ku dartay in 50,000 qoys ay heleen cunto kuuban. 470,000 arday oo helay qadada iskuulka, oo ay ku jiraan 70,000 qaxooti ah, taasi oo muujineysa kororka dhanka colaaduhu sababeen.

Sidoo kale, WFP waxay carrabowday in caawin dhaqaale iyo digniino hore siiso in ka badan 200,000 qof oo ku nool meelaha abaartu saameysey, Balse xaaladdu waa mid xasaasi ah, gaar ahaan koonfur-bari Itoobiya, halkaas oo roob yaraan la filayo taas oo horseedi karta abaar kale oo ku dhacda gobolka Soomaali – kaasi oo aan wali ka soo kaban abaartii 2020–2023.

Amni xumo sii kordheysa ee ka jirta gobolka Amxaarada ayaa sidoo kale khatar ku ah shaqaalaha WFP, iyadoo rabshado, hanjabaado iyo dhaca baabuurta ay carqaladeynayaan gaarsiinta gargaar in ka badan nus milyan qof.

WFP ayaa si degdeg ah u soo gudbisay codsigeeda taageero dhaqaale oo cusub, waxayna sheegtay haddii aan la helin, cuntada lacagta iyo raashinka ah ee la siiyo ilaa hal milyan oo qaxooti ah la joojin doono bisha Juun 2025. Waxaa la xusay in hay’addu wali ka maqan tahay $222 milyan oo doollar, taas oo loogu baahanyahay howlgalka u dhexeeya bilaha Abriil ilaa Sebtembar 2025.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed