Xulka Masar oo warbixin ka soo saaray dhaawicii soo gaaray Mohamed Salah

Masar ayaa go’aan ku gaartay in Mohamed Salah uu seego labada kulan ee soo aadan kadib markii uu ku dhaawacmay koobka qaramada Afrika.

Dhaawac dhabarka ah oo ka soo gaaray habeenkii Khamiista ee ay barbaraha 2-2 la galeen Ghana ayaa 31-jirkan laga ka saaray kulankaas, balse Xulka Masar ayaa war ka soo saaray dhaawaciisa, seegaya labada kulan.

Faraaciinta ayaa wajahaya Cape Verde habeenka isniinta ka hor inta aysan gaarin wareega 16ka usbuuca soo socda, waa haddii ay u soo baxaan. Laba bareejo ayaa ka dhigtay inay u baahan yihiin natiijo Abidjan si ay ugu yaraan u xaqiijiyaan.

Haddii Masar ay  ka soo bixi weyso wareega group-yada, Salah wuxuu ku soo laaban doonaa Liverpool isagoo dhaawac ah. Reds ayaa wajihi doonta Norwich iyo Chelsea dhamaadka bishaan, kulamo uu u muuqdo mid seegaya xitaa hadii dalkiisa uu ka tago AFCON goor hore.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed