Xulka Koonfur Galbeed oo gabi ahaanba iskaga baxay tartatnkii maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir kaddib waan waan socotay 24 saac

Qorshaha lagu baajin lahaa safarka xulka Koonfur Galbeed ayaa noqday mid bur buray, iyadoo maanta oo Axada ah la filayo in kooxda Koonfur Galbeed ay dib ugu laabato magaalada Baydhabo, kadib markii ay ka hareen ciyaaraha gobolada Soomaaliya, markii lagu  ku guuldareystay isku dayo la doonayay in ay tartanka qeyb kasii ahadaan.

Xulka ayaa carooday  markii weerar tuuryo ah lagu qaaday Baskii ay saarnaayeen, ciyaartii 3-0 lagu soo garaacay Jimcihii xulka Galmudug, falka weerarka ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka dambeeyeen dad la sheegay in ay taageersan yihiin Galmudug

In ka badan 24 saac ayaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ay booqdeen kooxda K/Galbeed, waxa ay ku qancin waayeen in ay tartanka ku sii jiraan, iyagoo u ballan qaaday in la xalin doono waxyaabihii ka dhashay weerarka baska,  iyada oo dhowr ciyaartooy dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan, kooxda kubadda cagta maamulka Koonfur Galbeed ee arrintan u qaabilsan ayaa go’aan ku gaaray inay dib ugu laabtaan magaalada Baydhabo, iyagoo halkaas kula kulmi doona madaxda ugu sareysa maamulka Koonfur Galbeed oo ay arrimaha la wadaagi doonaan.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa horay u shaaciyay in muddo saddex maalmood ah uu hakad ku jiro tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, balse xilligaasi ay rajo ka qabeen in ciyaartoyda Koonfur Galbeed ay ku qancaan.

HBN SPORTS DESK 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed