Xubin basaas u ahay Al shabaab oo lagu xakumay 10 sano oo xabsi kaddib markii gacanta lagu soo dhigay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta  waxa ay xukun toban sano ah ku riday Maxamed Cabdullaahi Xaaji Cali (Jawaari) oo lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa faah faahiyay in  Jawaari  lagu helay dambi ah inuu u basaas uu ahay kooxda Al  Al-Shabaab. Kooxdan ayuu kaga biiray degmada Jilib sanadkii 2013-kii, isagoo muddo saddex bilood ah tababar ku qaatay xerada Abuu-zubeyr oo ku taalla inta u dhexeysa Jilib iyo Bu’aale, kaasoo diiradda lagu saarayay adeegsiga hubka iyo arrimo kale oo taageeraya Al shabaab.

Jawaari iyo kooxda tababarka loo soo xiray ayaa markii ay dhameysteen tababarka loo qaaday gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmadooyinka Wabxo iyo Ceelbuur. Halkaa waxaa la sheegay in uu ku lug lahaa laba weerar oo gaadmo ah oo lala beegsaday ciidamada Itoobiya ee ku sugan bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada ayaa bishii November ee sanadkii hore qabsaday Beerta Nabadda ee degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, xilli uu halkaas ku sugnaa, kaddib dabagal ay ku haayeen hey’adaha ammaanka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed