Bruno Fernandes ayaa lagu soo waramayaa in la filayo in uu sii joogo kooxda Man United xagaagan inkasta oo dhawaan la isla dhex marayay warar ku saabsan mustaqbalkiisa Old Trafford.
29 jirkaan ayaa markale qaab ciyaareed xoogan ku soo bandhigay Red Devils intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2023-24, isagoo dhaliyay 15 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 11 caawin 45 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Dhanka kale, xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa dhaliyay 79 gool iyo 64 caawin 230 kulan oo uu u saftay kooxda tan iyo markii uu ka yimid Sporting Lisbon bishii Janaayo 2020.
Fernandes waxa uu Old Trafford kula jiraa heshiis dhacaya Juun 2026, isagoo leh ikhtiyaar 12 bilood oo dheeri ah, laakiin dhawaanahan waxaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo xagaagan.
Kooxaha Saudi Arabia ayaa la rumeysan yahay inay xiiseynayaan xiddiga reer Portugal, halka la sheegay in Bayern Munich iyo Inter Milan ay sidoo kale xiiseynayaan saxiixiisa.
HBN SPORTS DESK