Xiddiga Man City Kalvin Phillips oo dalabyo qaali ah ka helayo Seria A iyo Premier League iyo kooxda hoggaamineyso tartankiisa

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay xoojisay baacsiga ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Kalvin Phillips xilli ay macquul tahay in ay tartan kala kulmaan kooxda Man United.

Phillips ayaa si weyn loo filayaa in uu isaga tago Etihad Stadium suuqa January isaga oo ku dhibtoonaya in uu boos joogto ah ka helo kooxda Man City ee Pep Guardiola.

28 jirkaan ayaa ku soo bilowday kaliya shan kulan 29 kulan oo uu u saftay Citizens tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Leeds United xagaagii 2022, walina kuma soo bilaaban midkood Premier League ama Champions League ilaa hadda xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ka dhisan Serie A ma ahan kooxda kaliya ee loo aqoonsaday inay xiiseyneyso Phillips, iyadoo kooxda ay xifaaltamaan Man City ee Man United ay xiddiga heerka caalami ee dalka England u aqoonsatay bartilmaameedkooda ugu sarreeya xagaaga 2024.

Newcastle United waa koox kale oo loo saadaalinayo inay u dhaqaaqdo Phillips, inkastoo la fahamsan yahay in u dhaqaaqista daaqadda jiilaalka ee St James’ Park ay halis ku jirto iyadoo Magpies ay halis ugu jirto inay jabiso sharciga dhaqaale wanaaga.

Arsenal, Liverpool, Tottenham Hotspur, Aston Villa, West Ham United, Everton iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale loo aqoonsaday inay xiiseynayaan Phillips, kaasoo qandaraas kula jira Etihad ilaa June 2028.

Gazzetta dello Sport, oo soo xiganeysa Daily Express, ayaa sheegtay in Juventus ay sare u qaaday xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka khadka dhexe maalmihii la soo dhaafay, Turin ayaana ah meesha ugu macquulsan ee xiddigaan uu u dhaqaaqi karo.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed