Xiddiga Barcelona Ferran Torres ka xanaaqay tallaabo uu qaaday macalin Xavi taasoo dhalisay dood adag

Ferran Torres ayaa lagu soo waramayaa inuu ka careysan yahay daqiiqado la’aantiisa Barcelona inta lagu guda jiro xilli ciyaareedka 2023-24., kaas oo waayay booskiisa joogtada, isla markaana aanan ciyaarin daqiiqado badan.

 

Waxaa jirta dood ah in Torres joogitaanka Camp Nou loo arko inuu yahay shaki uu ku jiro, isagoo wadar ahaan dhaliyay 19 gool iyo 11 caawin 90 kulan oo uu saftay.
Intaa waxaa dheer, kubadsameeyaha ayaa ka soo muuqday dhammaan shantii kulan ee Barcelona ay ku soo laabatay horyaalka La Liga 2022-23, isagoo weli ku jira kooxda laakiin ka maqan line-upka Xavi.

Intii lagu guda jiray ololahan, waxa uu ku soo bilowday sagaal kulan, waxaana uu ku soo galay 10 bedel dhammaan tartamada, 23 jirkaan waxa uu garoonka ku jiray wax ka yar kala bar daqiiqadihii ugu sarreeyay ee Barcelona.

Sida laga soo xigtay AS, Torres ayaa haatan diyaar u ah inuu tixgeliyo doorkiisa oo uu ka tago Barcelona 2024.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in xiriir la’aanta ka dhex jirta wakiiladiisa iyo Xavi ay tahay arrin qeyb ka qaadan karta, halka imaanshaha Vitor Roque ee dhow ay saameyn xun ku yeelan karto waqtiga ciyaarta Torres.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed