Xddigaan lala xiriirinayo kooxaha Arsenal iyo Chelsea ayaa ka hadlay mustaqbalka Sporting Lisbon kaasoo si weyn u soo jiitay kooxaha Yurub

Weeraryahanka Sporting Lisbon Viktor Gyokeres ayaa ku adkeystay inuusan ahmiyad weyn siinin wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan mustaqbalkiisa xilli la sheegayo in Arsenal iyo Chelsea ay xiiseynayaan.
25 jirkaan ayaa Sporting ku soo biiray xagaagii hore isaga oo kaga soo biiray kooxda Championship ee Coventry City lacag dhan 21 milyan oo euro oo u dhiganta (£17.9m) tan iyo markaas waxa uu noqday mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican Yurub.

Gyokeres ayaa ku lug lahaa 50 gool 36 kulan oo uu u saftay Sporting tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 36 gool waxana uu diiwaan gashaday 14 caawin.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Sweden ayaa haatan ah gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalka Primeira Liga isagoo dhaliyay 22 gool 24 kulan uu ciyaaray, iyadoo Sporting ay hal dhibic ka sareyso kooxda ay xafiiltamaan iyo kooxda difaacaneysa koobka ee Benfica.

Qaab ciyaareedka cajiibka ah ee Gyokeres ayaa si la fahmi karo u soo jiitay indhaha kooxo badan oo Yurub ah, iyadoo Arsenal iyo Chelsea ay ka mid yihiin kooxaha xiiseynaya weeraryahanka.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa sheegaysa in Arsenal ay bartilmaameedkeeda kowaad u aqoonsatay Gyokeres ka hor suuqa kala iibsiga xagaagan.

Tababaraha Gunners Mikel Arteta ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in kooxda ka dhisan Waqooyiga London ay raadin doonto weeraryahan cusub ka hor xilli ciyaareedka cusub inkastoo ay dhawaanahan qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigeen, iyagoo dhaliyay 33 gool sideedii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League.

Chelsea ayaa sidoo kale la filayaa inay u dhaqaaqdo Gyokeres si la mid ah Manchester United, Paris Saint-Germain iyo AC Milan.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed