Xavi oo xaqiijiyay inuu doonayo bedelka Gavi bisha Janaayo haddaba waa kuma xiddigaas

Tababaraha kooxda Barcelona Xavi ayaa shaaca ka qaaday inuu kala hadlay madaxweynaha kooxda Joan Laporta iyo agaasimaha ciyaaraha ee Deco suurtogalnimada ah inay la soo saxiixdaan ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah bisha Janaayo.

Kooxda reer Catalan ayaa la soo warinayaa in Gavi uu maqnaan doono inta ka harsan xilli ciyaareedkan sabab la xiriirta dhaawac halis ah oo soo gaaray intii lagu jiray ciyaaraha caalamiga ah.

Xavi ayaa ka hadlay dhaawicii soo gaaray intii lagu jiray shirkiisa jaraa’id ee jimcihii, waxaana maalmihii ugu dambeeyay si weyn loo hadal hayay in badalka suurtagalka ah ee la saxiixayo suuqa jiilaalka.

Deco ayaa horaantii isbuucaan sheegay in kooxdu ay “qiimeyn doonto” dooqyadooda marka ay timaado soo qaadashada ciyaaryahan cusub, iyadoo xiddiga Tottenham Hotspur Giovani Lo Celso loo maleynayo inuu yahay bartilmaameed macquul ah.

Tababaraha kooxda Barcelona ayaa muujiyay rabitaan ah in la soo saxiixdo badalkiisa, maadaama kooxda ay “lumineyso ciyaaryahan kubada cagta ah xilli ciyaareedka oo dhan”.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed