Tababaraha Barcelona Xavi ayaa lagu soo waramayaa inuu kooxdiisa ku riixayo saxiixa weeraryahanka Man City ee Bernardo Silva inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Xavi ayaa lagu waday in uu ka tago kooxda reer Catalonia dhamaadkii ololahan, laakiin haatan waxa uu ogolaaday in uu kooxda sii joogo waxana uu si weyn ugu lug leeyahay qorshayaasha xilli ciyaareedka dambe.
Barcelona ayaa cadaadis ku saari doonta inay iska iibiso kooxda koowaad sababo dhaqaale, laakiin sidoo kale waxay qorsheynayaan inay sii wadaan firfircoonidooda suuqa, iyadoo kooxdu ay dooneyso inay markale awood ku yeelato kubada cagta Yurub.
Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ayaa xilli ciyaareedkan soo gaartay wareega 8-aad ee tartanka champions League laakiin waxa ay qarka u saarantahay in ay xilli ciyaareedkan ku dhamaysato horyaalka Spain ee Real Madrid.
Sida laga soo xigtay Sport, Xavi ayaa kooxdiisa ku riixaya inay Bernardo kala soo wareegto Man City, xiddiga heerka caalami ee Portugal ayaa loo arkaa inuu yahay bartilmaameedka koowaad ee suuqa kala iibsiga.
HBN SPORTS DESK