Xavi oo ka hadlay beddelka Marc-Andre ter Stegen kaas oo dhawac waqti dheer ah soo gaaray

Tababaraha kooxda Barcelona Xavi ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisu aysan u dhaqaaqi doonin goolhaye kale marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha Janaayo.
Goolhayaha 1-aad ee kooxda haatan ee Marc-Andre ter Stegen ayaa wajahaya muddo uu garoomada ka maqnaanayo sababo la xiriira dhaawac dhabarka ah, kaasoo u baahday qaliin.
Waxaa jiray warar sheegaya in Barcelona ay isku dayi doonto inay lasoo saxiixato bedelka waqti gaaban bisha Janaayo, laakiin Xavi ayaa sheegay inaysan taasi dhici doonin, maadaama kooxdu ay kalsooni buuxda ku qabto goolhayaha kale ee Inaki Pena.

Pena, oo 24 jir ah, ayaa soo maray nidaamka dhalinyarada Barcelona, ​​laakiin waxa uu kaliya shan kulan u ciyaaray kooxda koowaad ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedkan.

Laacibka reer Spain ayaa sideed kulan u saftay Galatasaray intii lagu jiray amaahda 2021-22, ka hor inta uusan ka tagin kooxda sababtoo ah Fernando Muslera oo ka soo laabtay dhaawac.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed