Xamaas oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan wadahadal ay la gasho maamulka Trump

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in kooxda ay diyaar u tahay inay bilaabaan wadahadal ay la yeeshaan Mareykanka, hadalkan oo ku soo aadayaa wax yar kaddib markii uu dhaqan galay heshiis xabbad-joojin ah oo dhexmaray Israa’iil iyo Xamaas.

Tallaabadan naadirka ah ee Xamaas, oo muddo dheer dhaliilaysay Washington taageeradeeda xooggan ee Israel, waxay qayb ka tahay isku dayga kooxda ee ku aaddan ballaarinta xiriirka caalamiga ah iyo hagaajinta sumcadda ay ku leedahay masraxa caalamiga ah.

Moussa Abu Marzouq, oo ka tirsa ururka Xamaas, ayaa wareysi uu Axaddii taleefoonka ku siiyay wargeyska New York Times wuxuu ku yiri, “Waxaan diyaar u nahay wadahadal aan la yeelano Mareykanka iyo inaan isfaham ka gaarno wax walba.” Wuxuu intaa ku daray in Xamaas ay diyaar u tahay inay soo dhoweyso ergayga ka socda xukuumadda Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in uu booqasho ku tago Marinka Gaza, isla markaana ay xitaa ilaalin doonaan amnnigiisa haddii loo baahdo.

Abu Marzouq wuxuu tilmaamay in wadahadalka noocan ahi uu caawin karo Washington si ay u fahamto dareenka iyo himilooyinka Falastiiniyiinta, taas oo horseedi karta mowqif dhanka Mareykan ah oo dheellitiran oo ka tarjumaya danaha dhinacyada oo dhan, isla markaana aan ahayn mid kaliya.

Telefishinka NBC News ayaa baahiyay in ergayga Trump ee Bariga Dhexe, Stephen Whitkoff, uu ka fakarayo inuu booqasho ku tago Gaza si loo hubiyo xabbad-joojinta, sida uu sheegay sarkaal la socda arrimaha xabbad-joojinta.
Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in hadallada Abu Marzouq ay ka turjumayaan mowqifka dhammaan hoggaamiyeyaasha sare ee Xamaas, oo ay ku jiraan Maxamed Sinwar iyo Cizadiin al-Haddad, oo ah laba taliye oo sar-sare oo dhinaca milatariga ah oo ku sugan Marinka Gaza.

Abu Marzouq ayaa ammaanay madaxweynaha hadda ee Mareykanka, isagoo ku tilmaamay inuu yahay waa sida hadalka uu u dhigaye “madaxweyne muhiim ah” oo door wayn ka qaatay gaarista heshiiska xabbad-joojinta, wuxuuna yiri “Haddii aysan jiri lahayn Madaxweyne Trump iyo go’aankiisa xooggan ee ku saabsan dhammaadka dagaalka iyo diristiisa wakiil go’aan leh, heshiiska lama gaari lahayn,”.

Waxaa la filayaa in Xamaas ay qasab ku noqon doonto inay sameyso tanaasulaadyo si ay u xaqiijiso socodsiinta gargaarka caalamiga ah ee loo baahan yahay dib u dhiska Gaza. Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda ay muujisay rabitaan ay ugu diyaar garowday inay ka tanaasusho maamulkeeda rayidka ah ee Marinka Gaza, laakiin ay diiddan tahay inay burburiso garabkeeda milatari.

In kasta oo heshiisku dhigayo “joojinta joogtada ah ee howlgallada milatari ee Israa’iil , haddana Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa marar badan ku celceliyay inuu taliska milatari ee Israa’iil ay dib u bilaabi doono weerarada ka dhanka ah Marinka Gaza ka dib sii-daynta qaar ka mid ah maxaabiista Israa’iil ee ay hayaan Xamaas.

Mareykanka ayaa u aqoonsaday Xamaas inay tahay “urur argagixiso” tan iyo 1997, aqoonsigaas oo ay wadaagaan dalal kale oo Reer Galbeed ah. Si kastaba ha ahaatee, Xamaas ayaa dadaal ku bixisay sannadihii u dambeeyay hagaajinta xiriirka ay la leedahay dowladaha Reer Galbeedka, oo ay ku jirto soo saarista dukumiinti siyaasadeed sanadkii 2017 oo ay ku jiraan mowqifyo dabacsan marka loo eego axdigii aasaaskeeda.

In kasta oo dukumiintigaasi uu tixraacayay suurtogalnimada aqbalidda dawlad Falastiini ah oo ku saleysan xuduudihii 1967, haddana waxay diidday in la aqoonsato jiritaanka Israa’iil.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed