Garabka Tottenham Hotspur Bryan Gil ayaa Ku laabanayo Spain xagaagan.
Xiddiga reer Spain ayaa xilli ciyaareedkan ku qaatay wakhti adag isaga oo kaliya 11 kulan u saftay tartamada oo dhan.
Gil ayaa ku soo bilowday kaliya labo ka mid ah 10-kii kulan ee uu ciyaaray Premier League, mana uusan ciyaarin tan iyo markii uu bedel ku soo galay kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Everton 20kii Febraayo.
Halkii uu isticmaali lahaa Gil, tababaraha Tottenham Ange Postecoglou ayaa doorbiday inuu isticmaalo kuwa ay ka mid yihiin Brennan Johnson, Dejan Kulusevski, Son Heung-min iyo Timo Werner.
Iyadoo Gil uu hadda maqan yahay, Football Insider ayaa ku warramaysa inay u badan tahay inuu ku laabto dalkiisa marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagan.
Si kastaba ha ahaatee, 23-sano jirkaan ayaa u muuqda mid u furan inuu baxo xagaaga, isagoo aan ku faraxsanayn waqti la’aantiisa Waqooyiga London.
HBN SPORTS DESK