Weeraryahanka Napoli Victor Osimhen oo doonaya inuu u dhaqaaqo midkood kooxaha Chelsea Arsenal amaTottenham Hotspur

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in loo gacan geliyay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Napoli Victor Osimhen, isla markaa hoggaanka u heysa kooxaha doonaya laacibkaan tayada wanaagsan.

24-sano jirkaan ayaa iska dhigay mid ka mid ah xiddigaha magac ku leh kubadda cagta adduunka intii uu joogay Naples. Tan iyo 2020, Osimhen ayaa gacan ka geystay 65 gool iyo 15 caawin 111 kulan oo uu saftay, taasoo ka caawisay Napoli inay soo afjarto sugitaanka in ka badan 30 sano oo Serie A ah.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa galay marxaladda qandaraaskiisa iyo xirfadiisa ciyaareed,  ciyaaryahanka waxaa ka harsan qandaraaskiisa wax ka badan 19 bilood.

Sida laga soo xigtay saxafiga Evening Standard ee Nizaar Kinsella, Osimhen waxa uu doorbidayaa inuu u saxiixo kooxda Chelsea. Kooxaha sida Arsenal iyo Tottenham Hotspur ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa weeraryahanka, si la mid ah Manchester United laakiin xilli aysan awoodin inay iibsadaan ciyaaryahanka.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed