Weeraryahanka Manchester United Anthony Martial ma loo soo bandhigi doonaa ku soo laabashada Ligue 1?

Ugu yaraan laba kooxood oo ka dhisan horyaalka Ligue 1 ayaa lagu soo waramayaa inay ka fikirayaan inay u dhaqaaqaan weeraryahanka Manchester United Anthony Martial.
In ka badan afar bilood iyo bil ayaa ka harsan qandaraaskiisa, Martial ayaa qarka u saaran inuu beeca xorta ah uga tago Red Devils xagaaga.

Iyadoo United ay fursad u heysato inay qandaraaska u kordhiso 12 bilood oo kale, taasi waxay u muuqataa mid aan macquul aheyn maadaama ciyaaryahanka uu ku guuldareystay inuu soo jiito Erik ten Hag.

Inkastoo uu 57.6 milyan ginni kula soo wareegay 90 gool iyo 55 caawin 317 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan, waxa uu United u dhaliyay kaliya 12 gool tan iyo bilowgii 2021-22.

Intii lagu guda jiray ololahan, 28 jirkaan ayaa dhaliyay kaliya labo gool todobadii kulan ee uu kusoo bilowday iyo 12 kulan oo uu bedel kusoo galay tartamada oo dhan, waxaana uu haatan ka maqan yahay qaliinka gumaarka.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed