Weeraryahanka Aston Villa Ollie Watkins oo isku hayaan AC Milan Arsenal iyo Chelsea

AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay kula biirtay kooxaha Arsenal iyo Chelsea tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Aston Villa Ollie Watkins.

Laacibkii hore ee Brentford ayaa kaliya qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu ku sii joogayo Villa Park iyadoo ay sii kordhayaan xiisaha loo qabo adeegiisa, isagoo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Unai Emery ilaa xagaaga 2028.

Cusbooneysiinta Watkins ayaa ku timid qaab ciyaareed heer sare ah oo uu ku bilowday xilli ciyaareedka 27-sano jirkaan, kaasoo todoba gool iyo afar caawin ka sameeyay suunka 13 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.

Iyadoo Arsenal iyo Chelsea labadaba ay xiiseynayaan  saxiix xiddigaan soo jiitay kooxaha Yurub, kooxaha reer London ayaa laga yaabaa inay tartan adag kala kulmaan saxiixiisa, sida laga soo xigtay Rai – via Sempremilan – Milan ayaa sidoo kale lagu wargeliyay xiisaha Watkins ee Premier League.

Milan ayaa dib ugu soo laabanaysa horyaalka Serie A-da iyada oo la ciyaari doonta Juventus fiidnimadii Axada.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed