Weeraryahanka aanan laga rabin ee Chelsea ayaa daaha ka qaaday soo jeedin ku saabsan suuqa kala iibsiga xagaagan

Weeraryahanka Chelsea Armando Broja ayaa shaaca ka qaaday inuu dalabyo ka helayo seddex horyaal oo kala duwan isagoo sii wada inuu ka fikiro mustaqbalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Albania ayaa kaliya ku soo bilowday sideed kulan iyo 19 kulan oo bedel ah intii lagu jiray xilli ciyaareedkii niyad jabka lahaa ee Blues, islamarkaana uu amaah kula joogay Fulham, isagoo dhaliyay kaliya labada gool.

22-sano jirkaan ayaa tan iyo markii uu dalkiisa u matalay Euro 2024, waxa uu sameeyay 108 daqiiqo labo kulan oo uu saftay iyadoo Reds iyo Blacks ay ku hareen wareega group-yada.

Si kastaba ha ahaatee, isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay RTV Klan oo fadhigiisu yahay Albania, Broja ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan kooxo ka socda Italy, Germany iyo England oo muujiyay xiisaha ay u qabaan saxiixiisa.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed