Wararkii ugu dambeeyay kulamadii laga ciyaaray koobka xiisaha badan ee AFCON

Xulka Nigeria ayaa iska xaadiriyay semi-finalka koobka qaramada Afrika kadib markii ay ka adkaadeen xulka Angola waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Ademola Lookman, ciyaartaan ayaa aheyd mid xiiso badan ooo labada kooxoodba ay doonayeen in soo gudbaan midba midka kale.

Nigeria, oo heysata rikoorka 15-aad ee semi-finalka AFCON, ayaa wajihi doonta Cape Verde ama South Africa wareega xiga.

Angola ayaa soo bandhigtay adkeysi intii uu socday tartanka, iyadoo markii ugu horeysay gaartay wareega sideed dhamaadka. Inkastoo dadaalkooda, Zini uu lumiyay fursadda ka hor inta aan la gaarin saacada iyo xoogga difaaca Nigeria ayaa soo afjaray safarkooda.

Ciyaartii labaad, DR Congo ayaa 3-1 kaga badisay Guinea ciyaar ka dhacday garoonka Ebimpe Olympic Stadium. Guinea ayaa markii hore ku hormartay gool ku laad uu u dhaliyay Mohamed Bayo, laakiin DR Congo ayaa kaga jawaabtay goolasha oo kala ahay , rigoore iyo laad xor ah oo cajiib ah oo uu dhaliyay Arthur Masuaku.

DR Congo oo bareejo gashay dhamaan kulamadii heerka guruubyada ayaa xaqiijisatay u soo bixida semi finalka. Tababare Sebastien Desabre ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guusha muhiimka ah, DR Congo ayaa wajihi doonta Mali ama Ivory Coast midkood oo ay martigelinayaan semi-finalka.

Wareega 8-aad ee AFCON ayaa soo bandhigay kulamo aad u xiiso badan, iyaga oo gogol xaar u dhigay isku dhacyo xoogan oo semi-finalka ka dhacay Abidjan.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed