Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda dalka Suudaan iyo QM oo ka hadashay

Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan ayaa rasaas ooda uga qaaday fariisimo ay ku sugnaayeen xoogaga Taageerada degdega ah bartamaha Umu Durmaan, iyaga oo dagaal ugu jira sidii ay cadawgooda uga saari lahaayeen  aaggaas.

Xaaladda ayaa weli ah mid welwel ka taagan gudaha dalka Suudaan, oo ah waddan ay colaado u dhexeeyaan ciidanka iyo koox milatari ay iska soo horjeedaan, xaaladaan ayaa taagan tan iyo bishii Abriil ee sanadkaan.

Talaadadii la soo dhaafay, ciidamada Suudaan waxay xoojiyeen dadaalkooda ku aaddan inay gudaha u galaan caasimadda, Khartuum, taasoo dhalisay qaar ka mid ah isku dhacyadii ugu xumaa tan iyo markii ay dhibaatadu bilaabatay dalkaas.

Goob joogayaal ayaa soo sheegay, in ciidanka General Cabdulfataax Al Burhaani ay wadeen weeraro cirka ah iyo adeegsiga madaafiicda culus, ujeedaduna ay tahay in ay la wareegaan buundada dulmarta webiga Niil oo ay ciidamada gurmadka degdega ah (RSF) u adeegsadaan daabulaadda xoojinta iyo rasaasta, oo ay kala yimaadaan magaalooyinka kala ah: Umu durmaan iyo  Baxri.

Sida ay sheegeen hawl-wadeennada fadhigoodu yahay caasimadda labaad ee Umu Durmaan, ugu yaraan sagaal qof oo rayid ah ayaa la dilay weeraradii ugu dambeeyay.

Khilaafka u dhexeeya ciidamada iyo RSF-ta oo ah xulafada afgambiga 2021-ka, ayaa ka dambeysay ka dib markii ay sii korortay xurguftii u dhaxeysay taliyayaashooda, taasoo salka ku haysay qaabkii loogu wareejin lahaa xukunka rayidka, afar sano kadib markii la riday Cumar Al-Bashiir. Iyadoo labada dhinacba ay sheegteen horumaro maalmihii la soo dhaafay, haddana ma jiro wax natiijo ah oo la gaaray.

Dadaalka ay hormuudka ka yihiin Sacuudiga iyo Mareykanka ee lagu doonayaa in xabad joojinta la gaaro, kaas gaaray meel aan wanaagsaneyn.

In ka badan afar milyan oo qof ayaa ku barakacay, sida laga soo xigtay tirooyinka Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan in ka badan 900,000 oo u qaxay dalalka deriska ah oo ay horay u gilgileen colaado iyo dhibaatooyin dhaqaale.

Rabshadaha ayaa sidoo kale uga sii daray dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee dalka ka jira, halkaas oo in ka badan 300 oo qof ay u dhinteen cudurro iyo nafaqo darro, gaar ahaan carruurta yaryar, oo l diiwaan geliyey intii u dhaxaysay 15 May iyo 17 July, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed