Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in jug wakhti hore ah kala kulantay baacsiga ay ku doonaysay xiddig khadka dhexe ah oo daafaca ka ciyaara iyada oo mid ka mid ah bartilmaameedyada ugu sareeya ee Mikel Arteta uu meesha ka saaray in uu u dhaqaaqo Emirates Stadium.
Qaab ciyaareedka Martin Zubimendi ee wadnaha qolka mishiinka Real Sociedad ayaa soo jiitay indhaha Yurub oo dhan, iyadoo 25 jirkaan uu door ku lahaa inuu kooxda Imanol Alguacil ka dhigo mid joogta ah Champions League.
Zubimendi ayaa ka qeyb qaatay sideed gool 7 caawin 188 kulan oo uu u saftay kooxdiisa xilli ciyaareedkan, isagoo soo maray nidaamka dhalinyarada ee kooxda si uu magac ugu yeesho La Liga.
Ololaha 2023-24 ayaa ahaa mid kale oo waxtar u leh xiddiga heerka caalami ee dalka Spain, isagoo dhaliyay afar gool iyo hal caawin 45 uu ku soo bilowday sideed kulan oo Champions League ah iyadoo Sociedad ay gaartay wareega 16ka.
Inkastoo uu dhaawac muruqa ah ku seegay dhamaadka xiliciyaareed kaan, Zubimendi ayaa loogu yeeray xulka Spain ee ka qeyb galaya Euro 2024, waxaana wali jirta hadal heyn xoogan oo ku aadan inuu ka tagayo Sociedad.
Si kastaba ha ahaatee, majaladda Isbaanishka ee Sport ayaa sheeganeysa in Zubimendi uusan wax xiiso ah u qabin ku biirista Gunners waqti xaadirkaan, taas jug culus ku ah kooxda waqooyiga London.
HBN SPORTS DESK