Wararka kooxda Man City dhaawacyadii ugu dambeeyay iyo kuwa soo laabtay ee diyaarka u ah kulanka Spurs

John Stones ayaa laga yaabaa inuu ku soo bilowdo kulanka Manchester City ay caawa la ciyaarayaan Tottenham kulan ka tirsan Premier League.

Daafaca ayaa kaliya taam u ahaa kursiga kaydka kulankii champions League ee ay ka badiyeen RB Leipzig ka dib dhaawac laakiin tababaraha ayaa xaqiijiyay in uu taam u yahay ka hor dhamaadka todobaadka.

Mateo Kovacic ayaa sidoo kale ku soo laabtay line-upka laakiin Matheus Nunes ayaa qarka u saaran inuu seego isagoo ku dhow inuu ka soo laabto dhaawac.
Guardiola ayaa isbedel yar sameeyay guushii soo laabashada ee Leipzig Talaadadii, isagoo aan wax isbedel ah sameynin kulankii ay barbaraha la galeen Liverpool usbuucii hore.

Iyadoo tartanka horyaalka Premier League uu aad u adag yahay sidii uu ahaa sanadihii ugu dambeeyay, tababaraha City waxay u badan tahay inuu wax badan ka barto qaladaadka marka Spurs ay timaado garoonkiisa

Sidan oo kale, Ederson ayaa ku soo bilaaban doona booska goolka, maqnaanshaha kaliya ee Man City waa Kevin De Bruyne oo ka soo kabanaya qaliin muruqa ah.

 

Go’aanka Guardiola ee garabka bidix wuxuu noqon doonaa mid soo jiidasho leh. Jeremy Doku waxa uu ahaa xiddig tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Rennes, laakiin Jack Grealish waxa uu ahaa qayb muhiim ah oo ka mid ah kooxdii xilli ciyaareedkii hore ku guulaysatay koobabakii seddexleyda, inkastoo haatan uusan qeyb ka aheyn safka kowaad kulamadii ugu dambeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, Erling Haaland ayaa la filayaa inuu hogaamiyo line-upka isagoo baacsanaya rikoorka gooldhalinta Premier League.

Shaxda macquulka ah Man City XI (4-2-3-1): Ederson; Walker, Stones, Akanji, Gvardiol; Rodri, Silva; Foden, Alvarez, Doku iyo Haaland

dhaawacyada maqan: De Bruyne, Nunes.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed