Waalidiinta garabka Liverpool Luis Diaz oo lagu afduubay Colombia iyo macluumaadyo ka soo baxaya

Laacibka garabka uga ciyaara kooxda Liverpool ee dalka Colombia Luis Diaz hooyadii ayaa laga soo badbaadiyay afduubayaal balse waxaa wali socda baadi goobka aabihiis, sida uu sheegay madaxweynaha Colombia Gustavo Petro.

Petro waxa uu soo dhigay X, oo hore loo odhan jiray Twitter, Sabtidii in Diaz hooyadeed lagu soo badbaadiyay Barrancas ee waqooyiga dalka.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo warisay in Luis Manuel Diaz iyo Cilenis Marulanda ay ku sugnaayeen xarun adeeg oo ku taal aagga La Guajira markii rag hubaysan oo mootooyin watay ay wateen.

Barasaabka La Guajira, Diala Wilches, ayaa cambaareeyay afduubka, wuxuuna codsaday in loo soo celiyo.

26 jirka garabka uga ciyaara Liverpool iyo Colombia ayaan ka hadlin arrintan.

Diaz ayaa 43 jeer u soo ciyaaray Colombia wuxuuna sanadkii hore Liverpool kaga soo biiray Porto. Waxa uu saftay 11 kulan xilli ciyaareedkan, waxaana uu dhaliyay seddex gool.

Diaz ma uusan ciyaarin kulankii Liverpool ay 5-1 kaga badisay Toulouse Khamiista laakiin waxaa la filayay inuu ku soo laabto Premier League ee Nottingham Forest ee Anfield Axadda.

HBN SPORTSD ESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed