Waa kuma xiddiga ay Arsenal ka dooneyso Aston Villa iyadoo dalabkaas lagu darayo Smith Rowe

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso Emile Smith Rowe hadii ay kordhiso fursada ay ku heli karto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Aston Villa Douglas Luiz.
Kadib ololihii 2021-22, Smile Rowe waxaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu qiimaha badan Mikel Arteta isagoo gacan ka geystay 10 gool iyo labo caawin intii lagu jiray xilli ciyaareedkaas gaarka ah ee Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, dhaawacyo iyo hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa ayaa ka reebay inuu noqdo kubad sameeye wax ku ool ah gudaha garoonka xilli Arsenal ay horumar weyn sameysay.

Guud ahaan 16 ciyaarood oo heerka sare ah tan iyo bilawgii 2022-23, Smith Rowe waxa uu ciyaaray kaliya 265 daqiiqo waxana uu haatan ku maqan yahay dhaawac kale.

Iyadoo Arteta uu horay uga hadlay muhiimada uu leeyahay xiddiga heerka caalami ee dalka England, hadana waxaa jiray niyad jab markii uu macalinka reer Spain ka hadlay arinta isbuucyadii dhawaa.

Sida laga soo xigtay Fichajes, Arsenal ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay Smith Rowe ku darto dalab kasta oo Luiz ah Janaayo ama xagaaga soo socda.

Arsenal ayaa aad u doonaysa xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil kaas oo kor u qaaday sumcadiisa tan iyo markii uu doortay sii joogida Villa Park si uu ugu biiro caasimada.

HBN SPORTS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed