Wa kuma xiddiga ay ku dagaallamayaan kooxaha ugu waa weyn qaarada Yurub ee Real Madrid iyo Manchester City

Real Madrid iyo Manchester City ayaa la soo sheegayaa inay ka mid yihiin kooxo dhowr ah oo isha ku haya 17 jirka kooxda River Plate Claudio Echeverri.
Laacibka khadka dhexe ka ciyaara ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah rajada wanaagsan ee Argentina, waxaana uu ka mid ahaa ciyaartoydii ugu wacneyd ee xulkiisa ka qeyb qaatay koobkii adduunka ee 17-jirada ee bishan ka dhacay Indonesia.

Echeverri ayaa dhaliyay shan gool, waxaana loo diiwaan geliyay hal caawin lix kulan oo uu ka soo muuqday Koobka Adduunka, iyadoo Argentina ay guuldaro xanuun badan kala kulantay Germany semi-finalka Talaadadii.

Echeverri, oo bishii October ay The Guardian u magacawday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka ee dhashay 2006, ayaa wadar ahaan sideed gool u dhaliyay 17 ciyaarood oo caalami ah Argentina Under-17 tan iyo markii uu saftay bishii March ee sannadkii hore.

Runtii, Echeverri waxa uu sameeyay afar badel oo uu ku soo galay kooxda Primera Division, oo uu ku jiro kulankiisii ugu horeeyay ee June markii uu diiwaan gashaday caawintiisii ugu horeysay ee ilaa maantadan la joogo.

The Sport ay sheegtay in labada kooxood ee Real Madrid iyo Man City ay yihiin labo kooxood oo si dhow ula socda horumarka ciyaaryahanka khadka dhexe.

Wargayska Defensa Central ayaa sheegaya in Man City ay diyaar u tahay in ay ku iibiso qiimaha cusub ay dooneyso River Plate laakiin Real Madrid ayay u badantahay in ay ku adkaato lacagtaas taas oo u muuqata in ay fursad siinayso Citizens markan.

HBN SPORTS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed