Turkiga oo laba markab dagaal si deg deg ah ugu soo diraya xeebaha Soomaaliya.

Turkiga ayaa qorsheynaya inuu maraakiibta dagaalka uu u soo dirayo biyaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan markabka sahminta dhanka tamarta ah, sida ay shabakada wararka ee Middle East Eye uu u sheegeen laba ilo-wareed oo arrintan la socda.

Sida ku cad heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya horraantii sanadkan, Ankara waxaa loo oggolaaday in ay ka ilaaliso biyaha Soomaaliya khataraha dibadda iyo sida oo kale in ay siiso xuquuq ay ku sahamiso iyo qodista ceelasha shidaalka ee aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa todobaadkii hore u sheegay warbaahinta Turkiga in Shidaalka Turkiga uu ruqsad u haysto saddex goobood oo ku yaalla badda Soomaaliya, goob kastana ay tahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah. Bayraktar waxa uu intaa ku daray in Oruc Reis uu samayn doono daraasad seismic 3D aagga, “taas oo aan weligeed hore loo samayn”.

Sida oo kale waxa uu sheegay in ciidamada badda Turkiga ay ilaalin doonaan markabka. Laba ilo oo arrintan la socda ayaa sheegay in Ankara ay qorshaynayso in ay geyso laba markab iyo markab gargaar oo dheeraad ah si loo sugo aagga sahminta inta ay socoto. Tunc Demirtas, oo ah falanqeeye arrimaha Afrika oo ka tirsan xarunta cilmi-baarista ee Seta, ayaa sheegay in Ankara ay si taxadar leh u ilaalineyso markabka sababta oo ah wuxuu ka shaqeyn doonaa badweynta furan, sida uu hadalka u dhigay.

Ankara ayaa sanadihii ugu dambeeyay ka howlgaleysay bariga Mediterranean-ka, iyada oo wajaheysa diidmo Giriig ah iyo isku dayo suurtagal ah oo lagu carqaladeynayo. Laakiin Gacanka Cadmeed iyo biyaha u dhow Soomaaliya ayaa ah caqabado cusub oo la taaban karo oo ku wajahan hawlaha qodista.

Bayraktar waxa uu sheegay in xogta hore ay muujinayso in markabka cilmi-baaristu ay u badan tahay in uu shidaal ka helo goobaha la doortay. Markabka ayaa la geyn doonaa aagga laga bilaabo Oktoobar ee inagu soo aadan. Wuxuu intaas ku daray in haddii ay suurtagal tahay in laga helo Soomaaliya shidaalka , kaasi oo gobolka lala wadaagi doono, iyada oo Soomaaliya loo marayo “heshiiska wax-soo-saarka”.

“Waxaan keeni karnaa warshadaha sifaynta ee dalkeena. Sidaa darteed, waxaa suurtogal noqon doonta in si deg deg ah looga ganacsado, dhaqaalahana lagu kordhiyo” ayuu yiri.
“Tani waa markii ugu horreysay oo markab cilmi-baaris oo Turki ah uu ka howlgalo badda, Markabka waa in laga ilaaliyaa burcad-badeedda iyo sidoo kale khataraha dhulka ku salaysan ee suurtogalka ah.”ayuu u sheegay Middle East Eye.

Horaantii bishaan, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in qorshuhu yahay qoddista shidaalka in laga bilaabo deegaanno dhowr ah oo ku keyd sanyihiin Balaayiin shidaalka nuucyadiisa kala duwan ah, sida wasiirka Batroolka Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu Carrabaabay .

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa bishii Febraayo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah, kaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo in la dhiso ciidamo badeed oo ka socda dalalka Afrika.
Heshiiskan ayaa la sheegay in la soo afjaray iyada oo laga jawaabayo heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland bishii Janaayo, kaa soo Addis Ababa xaq u siinaya inay dhisto deked ciidan.

Laba wareeg oo wada hadal ah oo uu Turkigu martigeliyay oo lagu doonayay in la isugu keeno Muqdisho iyo Addis Ababa horaantii sanadkan ayaan wax natiijo ah kasoo bixin, halka kulan ku taariikheysnaa maanta oo ahaa wajiga seddexaad uu fashilmay.
Bishii Maarso, Turkiga iyo Soomaaliya ayaa sida oo kale qalinka ku duugay heshiis shidaal baaris ah si dowladda Turkiga loogu ogolaado inay ka shaqeyso xeebaha Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed