Tottenham oo ku dooneysa 39 milyan ginni bartilmaameedka Manchester United iyo Liverpool bisha Janaayo

Tottenham ayaa kusoo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa daafaca kooxda Nice ee Jean-Clair Todibo, iyagoo isku diyaarinaya inay suuqa kala iibsiga u galaan daafac dhexe oo cusub bisha Janaayo.

Spurs ayaa si aad ah u dooneysa inay dib u xoojiso daafaceeda, waxayna diyaar u tahay inay kula xifaaltamaan Manchester United iyo Liverpool ciyaaryahanka reer France ee Todibo.

23-sano jirkaan ayaa wacdaro ka dhigay kooxda Nice ee ka dhisan horyaalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain, waxaana la sheegay in lagu heli karo adduun dhan 39 milyan ginni.

Spurs ayaa daafac dhexe oo cusub ka dhigatay mudnaanta koowaad bisha Janaayo laakiin waxaa la filayaa inay tartan kala kulmaan qaar ka mid ah kooxaha ugu fiican Yurub ee Todibo.

Spurs ayaa sidoo kale xiiseyneysa weeraryahanka Bournemouth Lloyd Kelly, halka Crystal Palace ee Marc Guehi iyo Everton Jarrad Branthwaite ay yihiin bartilmaameedyo kale.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed