Tottenham Hotspur oo fal niyad jab leh kula dhaqaaqeysa Hugo Lloris

Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay ku fikireyso  inay joojiso qandaraaska Hugo Lloris ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan, sida ay sheegayaan warbixinada ciyaaraha ee maanta soo baxay.

Goolhayaha ruug cadaaga ah ayaa waxaa shaqada ka joojiyay maamulaha cusub ee Ange Postecoglou, kaasoo keenay Guglielmo Vicario si uu u noqdo goolhayaha koowaad ee kooxda xagaagii.

Goolhayaha reer Talyaani ayaa xilli ciyaareedkan u ciyaaray Spurs kulan kasta oo Premier League ah, isagoo afar kulan shabaqa ilaashaday 12 kulan oo uu ciyaaray

Si kastaba ha ahaatee, Football Insider ayaa sheeganeysa in Spurs ay raadineyso ikhtiyaarka ah in si wadajir ah loo baabi’iyo qandaraaska Lloris, iyagoo ku heshiiyey inay siiyaan goolhayaha si ay u joojiyaan mushaaraadka uu kooxda ka qaato.

Lloris ayaa la sheegay in £100,000 todobaadkii ka qaadan dooto garoonka Tottenham Hotspur Stadium, iyadoo Postecoglou uusan dooneyn inuu qarash gareeyo, kooxda ayaa aaminsan inay ugu fiican tahay inay bixiso bilaha ugu dambeeya ee qandaraaskiisa. 36-sano jirkaan ma uusan ciyaarin tan iyo markii lagu qasbay waqtigii nasashada kulankii Spurs ay guuldarro 6-1 ka soo gaartay Newcastle United bishii Abriil, xilligaasoo ay 5-0 lagu shubay shabaqiisa 21 daqiiqo gudahood.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed