Tottenham oo hoggaaminesyo tartanka loogu jiro khabiir khadka dhexe ee Real Madrid Toni Kroos iyo kooxaha Premier League ugu cad cad

Tottenham Hotspur ayaa lagu soo waramayaa inay hogaamineyso Tartanka loogu jiro  Toni Kroos, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu ka fiirsanayo inuu ka tago Real Madrid oo uu u dhaqaaqo Premier League.

Xiddiga Jarmalka ayaa ku dhawaaday inuu ku biirayo Manchester United 2014-kii isagoo joogay Bayern Munich, laakiin ugu dambeyntii wuxuu u dhaqaaqay Real Madrid wuxuuna ku riyaaqay guulo waa weyn caasimadda Spain ah.

33-sano jirkaan ayaa u saftay Los Blancos 430-kulan tartamada oo dhan, wuxuuna u dhaliyay 28-gool, wuxuuna diiwaan-geliyay 92-caawin, isagoo kula guuleystay saddex horyaal oo La Liga ah, hal Copa del Rey iyo afar Champions League.

Kroos ayaa markale xili ciyaareedkan muhiim u ah kooxda Real Madrid isaga oo 13 kulan u saftay tartamada oo dhan isaga oo dhaliyay hal gool sidoo kale caawiye ka noqday 3 gool kale.

Qandaraaska ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bernabeu ayaa ku eg bisha June ee soo socota, inkastoo, la rumeysan yahay inuu ka fikirayo loolan cusub marxaladan xirfadiisa ciyaareed.

Sida laga soo xigtay The Sun, Kroos ayaa isha ku haya inuu u dhaqaaqo Premier League, maadaama uu helayo fursadaas  ka hor inta uusan kabaha iska siibixin.

Warbixinta ayaa sheegeysa in wakiilada Jarmalka la filayo inuu wadahadal la yeesho kooxaha Arsenal, Chelsea, Man United iyo Manchester City si ay ugala hadlaan suurtogalnimada inuu u dhaqaaqo.

Si kastaba ha ahaatee, Tottenham ayaa la sheegay inay ka go’an tahay  keenida waaya aragaan, iyadoo tababaraha kooxda Waqooyiga London Ange Postecoglou uu go’aansaday inuu riixo heshiiska.

Kroos ayaa la sheegay inuu diyaar u yahay bisha Janaayo hadii uusan heshiis cusub u saxiixin Bernabeu, iyadoo Real Madrid ay ka caga jiideyso inay beeca xorta ah ku fasaxdo dhamaadka ololahan.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed