Thiago Silva oo ka hadlay mustaqbalkiisa Chelsea

Thiago Silva ayaa soo jeediyay inuusan qorsheyneynin inuu muujiyo dareenkiisa ku aadan mustaqbalkiisa Chelsea, haddii uu ka tagayo iyo haddii kale oo uu joogayao, balse waxaa uu sugi doonaa go’aanka kooxda haddii la siinaayo hishiis cusub.

Markii uu daafaca yimid Stamford Bridge 2020, rajadu waxay ahayd inuu ciyaaro hal ama labo xilli ciyaareed ka hor inta uusan ku laaban dalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, isagoo 39 jir ah, xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa weli ah mid ka mid ah magacyada ugu horreeya ee shaxda kooxda, isagoo 125 kulan u saftay Blues tartamada oo dhan.

Qandaraaskii ugu dambeeyay ee Silva ayaa la saxiixay bishii Febraayo ee sannadkaan, waxaa la aaminsanaa in Silva uu qorsheeyey inuu mustaqbalkiisa ku soo gabagabeeyo kooxda reer Brazil ee Fluminense, halkaasoo uu ka soo muuqday darajooyinka dhalinyarada intii u dhaxeysay 2007 iyo 2009.

Fluminense ayaa haatan ku jirta kaalinta 7-aad ee horyaalka waxana ay doonaysaa in ay xilli ciyaareedka dambe ku guulaysato Copa Libertadores.

Silva ayaa awood u leh inuu wadahadalo la yeesho kooxo ajnabi ah haddii uusan qandaraas cusub u saxiixin Chelsea dhamaadka sanadka.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed