Tababarihii hore ee xulka qaranka Germany ee Hansi Flick oo yeeshay wakiil cusub isla markaana doonaya in uu ku soo laabto kubadda cagta

Tababarihii hore ee xulka qaranka Germany ee Hansi Flick ayaa wakiilkiisa cusub u magacaabay Pini Zahavi halka kooxaha Barcelona iyo Liverpool la sheegay in ay xiiseynayaan.

58-sano jirkaan ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii laga ceyriyay  Sebtember 2023 ka dib labo sano oo kaliya oo uu maamulayay xulka qaranka. Flick ayaa horay u soo maamulay Bayern Munich intii u dhaxeysay Noofambar 2019 iyo June 2021, isagoo kula guuleystay todobo koob oo ay ku jiraan labo horyaal oo Bundesliga ah iyo hal Champions League.

Tababaraha sannadka ee ragga ee UEFA 2019-20, kaasoo sidoo kale door ka soo qabtay Hoffenheim iyo Red Bull Salzburg, ayaa hadda la rumeysan yahay inuu doonayo inuu ku soo laabto maamulka kooxaha.

Warar soo baxayay horaantii bishan ayaa sheegayay in Barcelona ay sahminayso suurtogalnimada in ay u magacawdo Flick, kaasoo aad u doonaya inuu bedelo tababaraha haatan ee Xavi, kaasoo shaqada ka tagi doona xagaaga, waxaana uu dhawaan baranayay luqadda Isbaanishka.

U dhaqaaqista suurtogalka ah ee Premier League ee Liverpool ayaa sidoo kale loo arkaa Flick, iyadoo Liverpool Echo ay soo jeedinayso inuu noqon karo musharrax bedeli kara ninka ay isku dalka yihiin ee Jurgen Klopp marka uu ka tago Anfield dhamaadka ololaha.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed