Tababaraha Manchester United Erik ten Hag oo weeraryahan ka doonaya kooxdisii hore ee Ajax

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa lagu soo waramayaa inuu ku rajo weyn yahay inuu keeno Old Trafford weeraryahanka Ajax Brian Brobbey ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, iyadoo Anthony Martial uu maqan yahay, taasoo la micno ah in Rasmus Hojlund uu yahay weerarka kaliya ee uu heli karo Ten Hag.

Martial ayaa lagu wadaa inuu beeca xorta ah kaga tago xagaagan, waxaana la rumeysan yahay in weeraryahan cusub uu mudnaanta koowaad u yahay Red Devils, iyadoo warbixin dhawaan la soo saaray lagu sheegay in Brobbey uu weli bartilmaameed yahay,  xiddiga reer Holland si xoogan loola xiriirinayo.

Sida laga soo xigtay saxafi Jarmal ah Florian Plettenberg, Brobbey waxaa doonaya maamulaha Man United bishan, iyadoo labada shaqsi la sheegay in midba midka kale uu ixtiraam weyn u hayo.

Plettenberg ayaa sheegay in Ajax ay iska caabin doonto iibka bartamaha xilli ciyaareedka, laakiin Man United ayaa qorsheyneysa inay dib u eegis ku sameyso xaalada xagaagan hadii aysan la soo wareegi karin Janaayo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed