Tababaraha Manchester United Erik ten Hag oo difaacay xiddiga dhibtooday inuu soo bandhigo ciyaar wanaagsan kaasoo taageerayaasha ay naceen

Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa ku adkeystay in Mason Mount uu muujin doono inuu yahay ciyaaryahan muhiim u ah kooxda inkastoo xiddigaan uu soo bandhigay ciyaaro hooseyo garoonka Old Trafford xilli ciyaareedkaan, waxana intaas u raacay dhaawacyo uu ku seegay kulamo dhowr ah.

24-sano jirkaan ayaa Red Devils kaga soo biiray Chelsea xagaagii, iyadoo 20-ka jeer ee horyaalka Ingariiska ay ku guuleysteen adeegiisa 55 milyan ginni.

Mount ayaa ku dhibtooday inuu soo bandhigo xilli ciyaareedkan, inkastoo uu hal caawin sameeyay todobo kulan oo uu u saftay kooxdiisa cusub, waxaana uu ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii Copenhagen ee Champions League isbuucii hore.

Ten Hag ayaa sheegay inuusan wax walaac ah ka qabin doorashada xiddiga heerka caalami ee dalka England, waxaana uu ku taageeray inuu isku muujiyo Man United xilli ciyaareedka soo socda.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed