Tababaraha Manchester City Pep Guardiola oo shaaciyay xilliga rasmiga ah oo uu safka kowaad ku soo labaanayo Erling Haaland

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Erling Haaland uu diyaar u yahay inuu ku soo laabto kooxda kulanka Arbacada ee Premier League ay ku wajahayaan Burnley garoonka Etihad Stadium. Norwegian-ka ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo horraantii Disembar, mana uusan ciyaarin mid ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay City ee tartamada oo dhan ah.

Haaland tan iyo markii uu si tartiib tartiib ah u kobcinayey taam ahaanshihiisa tababarka wuxuuna la baxay kooxda inteeda kale ee kooxda koowaad Abu Dhabi intii lagu jiray fasax yar oo jiilaalka horaantii bishaan.

Guardiola ayaa daaha ka qaaday ka hor kulankii ay City 1-0 kaga badiyeen Tottenham Hotspur ee wareega afraad ee FA Cup Jimcihii hore in Haaland uu ” qarka u saarnaa ” inuu ku soo laabto safka koowaad ee kooxda, wuxuuna tan iyo markaas xaqiijiyay in 23-jirkan uu diyaar u ah kulanka Burnley.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu qabtay Talaadadii, Guardiola ayaa yiri: “Haa, Erling Haaland waa la dooran doonaa, wuu soo laabtay, marka aan heysano kooxda oo dhan waan awoodnaa, Erling waa ciyaaryahan aad muhiim ugu ah kooxda, wuxuu dareemayaa wanaag.”

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed