Tababaraha kooxda Brighton & Hove Albion Roberto De Zerbi ayaa diiday in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in ay xiiso u qabaan kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich.
De Zerbi ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah maareeyayaasha da’yarta Yurub ugu rajada wanaagsan, waxaana uu ku muteystay abaal-marinno ku aaddan qaab ciyaareedkiisa soo jiidashada leh iyo awoodda uu ula shaqeeyo ciyaartoyda da’da yar 18-kii bilood ee uu maamulayay Seagulls. .
44-sano jirkaan ayaa markii ugu horeysay taariikhda Brighton ku guuleystay inuu xaqiijiyo kubada cagta Yurub xilli ciyaareedkii hore, isagoo ku dhameystay kaalinta lixaad ee Premier League.
Wiilasha De Zerbi ayaa laba lugood ku garaacay Roma horraantii bishan, balse waxay weli ku jiraan tartanka inay ku dhammaystaan todobada kooxood ee ugu sarreeya Premier League xilli ciyaareedkan, iyagoo hadda ku jira kaalinta sagaalaad ee kala sarreynta. Waxay laba dhibcood oo keliya ka hooseeyaan kaalinta toddobaad.
Tababaraha reer Talyaani ayaa sheegay dhamaadkii sanadkii hore inuu wadahadalo kula jiray Brighton sidii uu qandaraaska ugu kordhin lahaa wixii ka dambeeya June 2026.
Mustaqbalka De Zerbi ee Brighton ayaa shaki ku jiraa iyadoo Liverpool lala xiriirinayo Bayern
Si kastaba ha ahaatee, De Zerbi ayaa tan iyo markaas shaki galiyay mustaqbalkiisa tababaraha Brighton, waxaana uu shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu wadahadalo dheeri ah la yeesho gudoomiyaha kooxda Tony Bloom oo ku saabsan qorshahooda mustaqbalka.
De Zerbi ayaa si aad ah loola xiriirinayaa kooxda Liverpool oo galabta oo Axad ah la ciyaari doonta kooxda Brighton kulan ka tirsan horyaalka Premier League.
Liverpool ayaa ugaarsi ugu jirta sidii ay u heli lahayd tababare cusub xilli uu Jurgen Klopp shaqada ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib sideed sano iyo bar oo xusuus ah oo uu ku qaatay Anfield.
Bayern Munich ayaa ah koox kale oo Yurub ah oo suuqa ugu jirta sidii ay u heli lahayd tababare cusub xilli tababaraha haatan ee Thomas Tuchel uu ogolaaday inuu ka tago Allianz Arena xagaaga.
Labada kooxood ee Liverpool iyo Bayern ayaa markii hore u aqoonsaday Xabi Alonso inuu yahay bartilmaameedkooda ugu sarreeya, laakiin tababaraha Isbaanishka ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu sii ahaan doono doorkiisa haatan ee hogaamiyayaasha Bundesliga ee Bayer Leverkusen.
Haatan waxaa la fahamsan yahay in labada kooxood ay u weecdeen bartilmaameedyo kale, iyadoo De Zerbi uu ku soo baxay mid ka mid ah xiddigaha ugu cad cad ee bedeli kara midkood Klopp ama Tuchel.
HBN SPORTS DESK