Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp oo la ogaaday halka uu jecel yahay in uu ka sii wado waayihiisa kubadda cagta

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa doorbidayo inuu aado Real Madrid ama maamulka kubada cagta Barcelona bedelkii uu la wareegi lahaa Germany.
56-sano jirkaan ayaa ka tagi doona shaqada tababaranimo ee Liverpool xagaagan, waxaana la filayaa inuu qaato 12 bilood oo nasasho ah ka hor inta uusan ciyaarta kusoo laaban, waxaana aad loo hadal hayaa inuu u dhaqaaqayo kooxda.

Wararka xanta ah ayaa sheegaya in Klopp uu qorsheynayo inuu qabto shaqada xulka qaranka Germany, laakiin sida laga soo xigtay Football Insider, isagu haatan ma xiiseynayo booskaas.

Klopp ayaa lasheegayaa in uu ka walwalsanyahay in wadankiisa uu ku guulaysto tartamada mustaqbalka dhaw,waxana uu taa badalkeeda qorshaynayaa in uu dib ugu soo laabto maamulka La Liga oo uu la midoobo Real Madrid ama Barcelona.

Jarmalku waxa uu xirfadiisa tababarenimo ka soo bilaabay Mainz 08 sanadii 2001 waxa uuna kooxda la joogay todobo sano ka hor inta uuna u wareegin Borussia Dortmund.

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed