Tababaraha kooxda Chelsea Mauricio Pochettino oo maamulka Chelsea u diray fariin adag ee saabsan Conor Gallagher

Tababaraha kooxda Chelsea Mauricio Pochettino ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu heshiis cusub u saxiixo Conor Gallagher.
Inkastoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu u adkeystay xoogaa halgan ah ololahiisa ugu horeysay ee naadigiisa caruurnimada, waxa uu noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah kooxda Pochettino.

Sidoo kale waxaa marar badan gacanta loo galiyay calaamada kabtanimada, Gallagher waxa uu horeba u saftay 29 kulan iyo saddex badel dhammaan tartamada intii lagu jiray 2023-24.

Dhammaan seddexdii gool ee Gallagher ee ololahan waxay yimaadeen labadii kulan ee ugu dambeysay, isagoo qeyb libaax leh ka qaatay guushii 3-1 ay ka gaareen Aston Villa iyo Crystal Palace.

Si kastaba ha ahaatee, xaalada ayaa weli ah in 24-sano jir uu qandaraaskiisa uga harsan yahay wax ka yar 18 bilood, milkiilayaasha Todd Boehly iyo Clearlake Capital ayaa doonaya in ay iibiyaan.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Pochettino ayaa waydiisanaya milkiilayaasha kooxda inay si guul leh ugala xaajoodaan heshiis cusub oo loo gacan galiyo xiddigaan

HBN SPORTS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed